U bood dhigaalka

IGAD oo Al-Bashiir Ka Dalbatay in uu Dhexdhexaadiyo Kooxaha Koofurta Suudaan

Sheeko:Dalka

Khartuum ayaa sheegtay in dalab uga yimid urur goboleedka IGAD, Al-bashiir ayaa laga codsaday in uu dhexdhexaadiyo kooxaha ku dagaalaya koofurta Suudaan.

Wasiirka arimaha dibadda Suudaan Cali Kurti ayaa Wakaaladda wararka ee Bariga Dhexe u sheegay in todobaadka soo socda Khartuum iman doonaan wafti ka socda Norway iyo Midowga Yurub iyagoo Al-bashir kala hadli doona arinta qasan ee Koofurta Suudaan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Khartuum ay waftiga ka codsatay in dib loo dhigo safarka ilaa uu mar kale la caleemo saarayo Al-bashiir June 2, 2015-ka.