U bood dhigaalka

IGAD Oo Maanta Daahfureysa Xarun Looga Hortagayo Aragtida Argigixisada

Sheeko:Dalka

Urur goboleedka IGAD waxaa uu maanta daaha ka qaadi-doonaa istaraatiijiyad lagu mideynayo ladagaalanka iyo ka hortagga argigixisada, taasi ayaa la sheegay in looga jawaabayo caga-jugleynta ay la kulmaan dalalka xubnaha ka ah.

Arrintan ayaa ku soo beegantay furitaanka xarunta ICEPCVE  ee ka hortagga argigixisada ee laga furay xarunta ururka ee Djibouti.

Xaruntan cusub waxaa laga wadaa iyada oo kaashaneysa xukuumadaha, dhalinyarada, culimada, khubaro, ganacsato iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay xoogga saarto ladagaalanka argigixisada ka jirta 8-da dal ee IGAD.

Isla xarunta waxaa lagu wadaa in ay xoojiso dhalinyarada, haweenka, hoggaamiyeyaasha diinta iyo bulshada rayidka ah in ay ka hortagaan fikradda argigixisada.

Arrimahan waxaa garab socday shir kale oo IGAD uga socday afartii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Kampala, waxaa ka qeybgalay madax ka socotay dalalka Somalia, Uganda, Kenya, Sudan, South Sudan, Djibouti, Ethiopia iyo Eritrea, shirka ayaa looga hadlay sidii loo fududeyn lahaa isu gudbidda iyo dhaq-dhaqaaqa dadka ku nool dalalkaasi.

Goobjoog News