U bood dhigaalka

IGAD Oo Taageertay Deyn Cafinta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Maxbuub Macallin oo ah xoghayaha urur goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyey baaqa Soomaaliya looga cafinayo deymaha caalamka, isaga oo sheegay in cafinta deymahaasi ay hagaajin karaan nolsoha dadka Soomaaliyeed.

Qoraal uu soo saaray xoghaye Maxbuub ayuu sidoo kale ku sheegay in deynta cafinteeda ay horseed u noqon karto nabadda Soomaaliya, ammaanka, horumarka iyo xal u helista dadka barakacayaahs ah.

Waxa uu sheegay in IGAD ahaan ay taageersan yihiin in Soomaaliya laga cafiyo deymaha, ayna soo dhoweynayaan arrintaasi.

Dhowaan ayeey ahayd sidan oo kale markii ay u taageereen in Soomaaliya deymaha laga cafiyo madaxda dalalka Africa, kulankoodii ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Goobjoog News