U bood dhigaalka

IGAD: Qatarta Al-shabaab Wey Baahday

Sheeko:Dalka, War

Xarakada Al-shabab oo inta badan la sheego inay dagaallo ka wado dalka Soomaaliya ayaa hadda waxa ay u muuqaneysa in hawlgaladoodii ay ku sii baahayaan wadamada deriska la ah Soomaaliya waxaana jira in kooxdu ay leedahay awood ay weeraro uga geysato wadamo dhaca bariga Africa sida ay sheegeen quburada wax falanqeeya oo gobolka ku sugan.

Ururka IGAD ee ka shaqeeya nabadda, barwaaqada iyo mideynta gobolka ayaa xubnihiisa sideedda ah ay ka dhawaajiyeen usbuucan in Al-shabaab ay tahay koox ay qeyb ka yihiin dad badan oo kala jinsiyado ah kuwaas oo hadafkoodu yahay inay geystaan falal argagixiso meelo ka baxsan Soomaaliya.

“Xitaa haddii Al-shabaab laga guuleysto berri waxaan is leeyahay inay weli jiri doonaan jiil cusub oo fikirka jihaadiga ah aaminsan oo jooga guud ahaan gobolka, wadamo kala duwan kuwaas oo ay suurtagal tahay inay hawsha sii wadaan” sidaana waxaa yiri Matt Bryden oo agaasime iyo falanqeeye ka  ah Sahan Foundation kaas oo wax badan ka og cilmi baaris IGAD ay ku sameysay xarakada Alshabaab.

“Alshabaab waxaa cad inaysan ahayn qatar u gaar ah Soomaaliya waxayna u baahan tahay jawaab adag oo caalami ah” ayaa lagu sheegay warbixinta IGAD iyagoo xusay in Alshabaab ay ka hawlgalaan illaa Lix waddan oo gobolka ah waa Djibuoti, Ethiopia, Kenya, Somalia, Uganda iyo Tanzania.

Bryden wuxuu tilmaamay in marka la fiiriyo aas-aaskii xarakada Alshabaab sanadkii 2009-kii kooxdu ay ahayd urur Soomaaliya ka dagaallama islamarkaana haysta dagaalyahanno Soomaaliyeed laakiin waxay sidoo kale isku dayayeen inay soo jiitaan soona xero geliyaan dagaalyahanno shisheeye gaar ahaan kuwa ku hadla luqadda Sawaaxiliga.

“Helitaanka xarakada Alshabaab dagaalyahanno ku hadla luqadda Sawaaxiliga waxay u sahashay inay u diraan wakiillo ka hawlgala waddamada deriska la ah Soomaaliya “ ayuu yiri Bryden oo ah agaasimaha Sahan foundation isagoo intaas ku daray in hadallada la buunbuuniyo ee propagandanda loo yaqaan ay Alshabaab aad hadda u isticmaasho iyagoo sii marsiinaya saxaafadda qeybaheeda kala duwan iyo weli qoraallo Sawaaxili ah waxaana cad inay si toos ah u beegsanayaan bariga Africa.

IGAD ayaa sheegtay in Alshabaab ay weeraro ka geysteen waddamada kenya, Ugand, iyo Jabuuti iyagoo sidoo kale Labo mar isku dayey inay weeraro ka geystaan gudaha dalka Ethiopia waxaa sidoo kale warkan kasoo baxay ururka IGAD lagu sheegay in baaxadda qatarta Alshabaab ay hadda saameysay dhammaan wadamada bariga Africa.

IGAD waxay sheegtay in loo baahan yahay awood looga hortago Alshabaab gudaha iyo bannaanka dalka Soomaaliya waxaana la wada qiray in iskaashiga dheeri ah oo laga yeesho arrinta la dagaalanka xarakada Alshabaab ay tahay mid lagama maarmaan ah si bay yiraahdeen looga guuleysto xakarakada Alshabaab oo hadda ay muuqato inay kusii baahayaan waddamada Bariga Africa.

Goobjoog News