U bood dhigaalka

Iibsashada Alaabta Jiifka Ee La Dhigto Guryaha Oo Si Xowli Ah Uga Socota Muqdisho

Sheeko:Dalka

Marka laga hadlayo astaamaha loo maro gogol dhigga guurka lammaanaha waa ay ku kala duwanyihiin qaabka loo naqshadeynayo guriga nolosha ay kuwadaagayaan.

Hablaha intabadan waxa ay jecelyihiin naqshadeynta guriga in iyaga looga dambeeyo oo wixii ay ka helaan uu diyaar la noqdo qofka nolosha ay la qaadanayaan taasi oo caqabado badan dhalisa.

Inkastoo dooqu uu yahay cajiib hadane dantu waa halkeeda oo dadka qaar awood uma lahan in ay ka gudbaan xujo waliba oo lasoo hor dhigo.

Suuqyada lagu iibiyo aqalada la dhigto xiliga guurka ayaa laga dareemayaa in uu ka jiro dhaqdhaqaaqyo ku aaddan iibkooda oo si wanaagsan haatan u kala socda

M B F Eestaro Shiinees waamagacyada dhowrnuuc oo ka mid ah aqalada guryaha la dhigo, qiimo ahaan waa ay kala sarreeyaan, dhowrka aqal ee aan soo xusay.

Balse ganacsatada iibisa agabkaasi qaarkood oo aan la sheekeystay ayaa ii bidhaamiyey in si aad ah in aanan loo gadan aqalada qaaliga ah, laakiin qof walba tabartiisa uu la yimaado suuqa.

Intii aan dhex joogay mid ka mid ah suuqyada lagu iibiyo aqallada oo aan tegay ayaa indhaheygu waxa ay qabanayeen aqallo badan oo bilicdoodu ay kala qurux badan tahay.

Qiimohoodu kuma xirna sida ay u kala qurux badan yihiin laakiin qiimuhu waxa uu la jaan qaadayaa sida ay u kala tayo badan yihiin.

Farxaan Xasan Geelle waa iibiyaha meherad aqallada lagu gado waxa uu sheegay in aqlada xiligan jira qiim ahaan aad uu ugu hooseeyo lacag dhan 300 oo doolar midka ugu sareeyana uu gaarayo lacag dhan 5,000 kun oo doolarka mareykan ka ah.

Cadiraxmaan Cabadi Nuur waxa uu isna kamid yahay waayo jooga Soomaaliyeed waxa uu guursaday sanadku markii uu ahaa 1977-kii

mar aan la kulmay ayuu ii sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo agabkii xilligaa la isticmaali jiray iyo midka hadda la isticmaalo, waxa uu xusay in sariiraha xilligaa la isticmaali jiray ay ka mid ahaayeen Foormiigga  iyo aqllo kale oo ka duwan kuwa hada la isticmaalo.

Cabdirisaaq Yuusuf, muddo hadda laga joogo bil wax  ka yar ayuu nolol ku yagleelay magaalada Muqdisho (waa uu guursaday) waxa uu kamid yahay dadka la kulmay Caqabadaha dookha aqalka ku aaddan in kastoo markii dambe Isfahan arrintu ay ku soo idlaatay, isaga oo sheegay in  ay waajib ku noqtay in uu bixiyo wixii laga dalbaday oo aqlka uu ugu horeeyay

Iyadoo dhibaatooyin badan ay kala maraan dhallinta xiliga nolosha ay yagleelayaan haddana waxaa dhacda in mararka qaar muddo gaaban si fudud lagu burburiyo noloshii waqtiga iyo qarashka badan uu ku baxay ee la doonayay in laga miro dhaliyo.

img_6576 img_6578 img_6579 img_6582 img_6584 img_6586 img_6589 img_6590 img_6591 img_6594

W/D: Xasan Kaafi Xaaji Maxamed

Goobjoog News