U bood dhigaalka

Ilaalada Madaxtooyada Turkiga Oo La Kala Dirayo

Sheeko:Dalka

Dowladda Turkiga ayaa la sheegayaa in ay go’aansatay in ay kala dirto Ciidanka ah ilaalada madaxtooyada Turkiga, ciidanka ayaa la xiray ilaa 300 oo askari.

Ra’isul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in aan loo baahneed awoodda ciidan ilaa 2500 gaaraya, taasi oo buuq dhalisay.

Maalmahan waxaa socotay arrin ku saabsan qabqabasho loo geysanayo taagerayaasha Fatxullahi Guulaan.

Warar kale ayaa sheegaya in xeer ilaaliyaha Turkiga uu sii daayey ilaa 120 Askari oo horay loo xiray markii uu afgambiga dhacay.

Goobjoog News,