U bood dhigaalka

Ilaalada Wasiirka Sportiga Oo Labo Qof Ku Dhaawacay Jowhar Iyo Doorashadii Oo Dib Loo Dhigay

Sheeko:Dalka

Ilaadada wasiirka dhalinyarada Maxamed C/laahi Xassan Nuux  ayaa lagu warramayaa in habeenkii jimcaha ay labo qof ku dhaawaceen magaalada Jowhar kadib markii ay xabado ku fureen ergada doorashada iyo dadkii ku sugnaa hoolka ay doorashada ka socotay.

Sida ilo ku sugan goobta doorashada ay Goobjoog News u sheegeen, wasiirka ayaa wareegga koobaad waxaa uu helay 22 cod halka Axmed Sheekh uu ku hogaaminayey wareegga koobaad 24 cod.

Maxamed C/laahi Xassan Nuux  ayaa ka biyo-diiday in wareeg labaad la qabto, iyagoo guddiga doorashada ay ku guul-dareysteen  in ay ka dhaadhiciyaan wasiirka in uu hoolka dib ugu laabto, isagoo ilaaladiisa ay xabado fureen kadib markii madaxweynaha Hirshabeelle uu joojiyay isla markaana uu dib u dhigay doorashada.

Warar doorashada ku dhaw, waxaa ay sheegayaan in doorashada Hirshabeelle dib loo dhigay arrimaha qalalaasaha xalay dhacay la xiriira.

Goobjoog News