U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar Iyo Jamaal Oo U Sharaxan Congress-ka, Akhriso Noloshoodii Hore

Sheeko:Dalka

Ilhaan Cumar oo gabar dhalinyaro ah, oo ka tagtay Soomaaliya, kuna barbaartay xeyaha qaxootiga kadibna Mareykanka ka mid noqotay golaha sharci-dejinta Minnesota ayaa haatan isu soo taagtay inay u tartanto Congress.

“Waxaan ogahay dareenka qof dhalinyaro ah oo fursad ka raadinaya Mareykanka”, sidaasi ayey tiri Ilhaan iyada oo joogta xafiiska is-diiwaangelinta iyada oo intaasi raacisay in ay cod u noqon doonto kuwa aan codka laheyn.

Ilhaan waxaa ay 8 jir iyada oo ah ka qaxeen Soomaaliya, waxaa ay xero ku jirtay 4 sano, markii ay gaartay 12 jir ayey qoyskeeda sponsore ka heleen dalka Mareykanka iyaga oo degay Minnesota.

Waxaa iska riyadaasi qaba, nin Soomaali ah oo isna qaxootinnimo ku galay dalka Mareykanka, Jamaal Cabdullahi waxaa uu ku soo koray baadiyaha Soomaaliya iyo nolol faqri ah, isna waxaa uu Ilhan iyo 8 kale kula tartamayaa kursiga Congress.

Jamaal waxaa uu wax badan ka qoraa dhibaatooyinka dadka tabarta daran, waxaa uu heystaa shahaadada M.B.A, waa aabe 4 gabdhood, waa nin codkar ah oo qeyladiisa iyo dooddiisa laga maqlay aqalka cad iyo maamulka Trump.

Kursiga ay lababooda ku tartamayaan waxaa banneyn-doona Ellison oo 2006dii noqday qofkii ugu horreeyay oo muslim ah oo gala Congresska Mareykanka, waxaa ay dhammaantood ka tirsan yihiin xusbiga Democratska.

Goobjoog News