U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar Oo ka Hadashay Go’aankii ka Dhanka Ahaa Ee Israa’iil

Sheeko:Amniga
Ilhaan Cumar ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso tallaabada Israa’iil ay ugu diiday in dhulkeeda ay galaan iyada iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Rashida Dhaalib.

 

“Xubin ahaan oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda (Congress-ka), waa shaqadeyda in aan la socdo kaalmada caalamka ee Mareykanka uu bixiyo iyo sharciyeynta ku dhaqanka xuquuqda aadanaha e daafaha caalamka”, ayey Ilhaan ku qortay warbixin at ku baahisay boggeeda Twitter-ka.

“xayiraaddii Trump ee Muslimiinta uu saaray waa tallaabada ay Israa’iil meel marineyso, markan waxaa la bartilmaameedsaday laba xubin oo si sharci ah loogu doortay aqalka Congress-ka”.

“Waxaa wax laga xumaado ah in arrintan aysan la yaab lahayn, marka loo eego dhanka bulshada, kaas oo si joogto ah oga goos haysta dadaallada nabadda”, ayey tiri Ilhaan.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo Israa’iil ay xayiraad kusoo rogtay labo gabdhood oo ka tirsan aqalka Congareska dalka Mareykanka kuwaas oo si weyn u dhaleeceen jiray Israa’iil, waxaana laga mamnuucay inay booqasho ku tegi karaan.

Goobjoog News