U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar Oo Sheegtay In Maraykanka Uu Cafiyey Deymihii Uu Ku Lahaa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku shaacisay in Maraykanka uu cafiyey deymihii uu ku lahaa Soomaaliya, kadib markii ay aqalka wakiilada Maraykanka meelmariyeen qorshe deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Xildhibaan Ilhaan ayaa qorshahan waxa ay u ahayd hormuud, waxaana ay tilmaantay in tani ay tahay furaha horumarka Soomaaliya.

“Waan ku faraxasanahay inaan ku guuleysanay cafinta deyntii uu Maraykanka ku lahaa Soomaaliya” ayeey tiri xildhibaan Ilhaan.

Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “Tani waxay guul muhiim ah ayna muujineysaa horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay”

Maraykanka ayaa Soomaaliya ku leh Hal Bilyan oo doolar, balse qoraalka Ilhaan kuma cadda in la wada cafiyey deynta ama qeyb ka mid ah.

Haddii uu Mareykanka cafiyo deymaha uu ku lahaa Soomaaliya waxay horseedi doontaa in dalal badan ku deydaan oo Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Goobjoog News