U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar: Tim Mynett Waxaan Lamaane ku ahayn Siyaasadda, Haddana Waxaan ku nahay Nolosha

Sheeko:Dalka

Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka cad ee Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay la aqal gashay Tim Mynett oo horay gacan yare ugu ahaa sida ay qortay warbaahita Fox News.

Barta ay ku leedahay baraha bulshada ee Instagramka ayey soo galisay sawir ay iskula jiraan iyada iyo ninkeeda cusub ee Tim Mynett,

“Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka.

Warbaahinta Fox News ayaa ku soo warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xiriir jaceyl la la leehay Ilhaan Cumar, taasina ay haatan soo ifbixisay aqal galka Ilhaan Cumar iyo Mynett.

Ilhaan Cumar ayaa seygeedii hore Axmed Xirsi ka dalbatay furriin bishii October ee sanadkii hore, waxa ayna u heysay saddex caruur ah.

Goobjoog News