U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar “Waxaa La Iigu Yeeray ISIS”

Sheeko:Caalamka

Gabadha Soomaali Ameerikaanka ah ee loo doortay xildhibaanka degmo ka tirsan Minnesota ayaa sheegtay in lagu fadeexeystay looguna yeeray inay tahay ISIS.

Taas waxay ku tilmaamtay wax ka yaabiyay, Ilhaan Cumar oo safar ku tagtay magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in nin darawal Maraykan ah uu aflagaadeeyay xilli ay ku safreysay baabuurkiisa.

Warbixin ay soo dhigtay barteeda facebook-ga ayaa maalintii arbacada ahayd ayaa waxay ku sheegtay in ninkaa ugu goodiyay inuu dili doono, kana siibayo xijaabka ay xiran tahay.

Ilhaan Cumar ayaa ah 33 sano jir goor dhow loo doortay xildhibaannimo iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka.

Goobjoog News