U bood dhigaalka

Ilhan Cumar Oo Taariikhda Gashay, Congress-ka Ayey Ku Biirtay

Sheeko:Dalka

Ilhan Cumar, oo Soomaaliya Amerikaan ah ayaa ku guuleysatay Congress-ka Mareykanka, waxaa laga doortay Minnesota, iyada oo noqotay mid ka mid ah labo gabdhood oo Muslim ah oo markii ugu horeysay ku biiray aqalka Congress-ka.

Ilhan oo mataleysay xisbiga Dimoqoraadiga waxaa ay heshay 78.4% halka gabadha la tartantay ee Jennifer Zielinski oo ka socotay Jamhuuriga ay heshay 21.6%.

Ilhan Cumar oo da’da 12 jir ah Mareykanka gashay, waxaa ku wehliya oo iyadana noqotay gabadh kale oo muslimad ah, oo ku biirtay Congress-ka Rashida Tlaib, oo laga doortay Michigan, waa gabar asal ahaan ka soo jeeda Falastiin laakin ku dhalatay Detroit

Ilhan oo 36 jir ah, waxaa ay kursiga ka qaadatay Keith Ellison oo isna 2006-dii noqtay qofkii ugu horeeyey oo Muslim ah, oo jagadaasi hela.

Ilhaan Cumar waxaa ay 8 jir iyada oo ah ka qaxeen Soomaaliya, waxaa ay xero ku jirtay 4 sano, markii ay gaartay 12 jir ayey qoyskeeda sponsore ka heleen dalka Mareykanka iyaga oo degay Minnesota.

Ilhaan waxaa ay darajada koowaad ee jaamacadda ka haysta labo shahaado oo kala ah  kulliyadda culuumta siyaasadda iyo kulliyadda daraasaadka caalamiga ah (International Studies) ee jaamacadda North Dakota State University, iyadoo aqoontaasi ay u saamaxday iney si xoog ah uga muuqato dhanka siyaasadda.

2017-kii, waxaa ay ku guuleysatay Golaha Sharci Dejinta Ee Minnesota iyada oo maanta noqotay gabadhii ugu horeysay oo Muslim ama Soomaali ah, oo gasha Congress-ka Mareykanka

Goobjoog News