U bood dhigaalka

Imaaraadka Oo Cambaareeyay Lacagtii Muqdisho Lagu Qabtay

Sheeko:Dalka

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in maalintii Axadda 8 bisha April diyaaarddii Imaaraadka uu lahaa ee lagu qabtay garoonka Muqdisho ay saarnaayeen shaqaalo dhan 47 qof, taasi oo waday lacago lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya iyo tobabarayaashooda oo kaliya ah.

lacagtaan ayaa cadadkeeda waxaa uu ahaa 9.6Milyan

wasaaradda waxaa ay intaas ku dartay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay xayireen shaqaalihii saarnaa diyaaradda taasi oo keentay in saacado badan ay xayirnaato diyaaradda, lacagtana ay aheyd mid lagu taageerayey ciidamada Soomaaliya laguna bixinayey mushaaraadkooda.

warka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in lacagta ay qeyb ka aheyd heshiis ay labada wadan ay wada saxiixdeen November 2014, kaasi oo ku saabsanaa xoojinta iskaashiga Millatari ee ka dhaxeeya labada wadan.

Imaaraadka ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid ka hor imaaneysa diblomaasiyadda u dhaxeysa dowladaha sidoo kalana ay khilaafeyso sharciyada caalamiga ah.

Goobjoog News