U bood dhigaalka

Imaaraadka Carabta oo 2 Diyaaradood oo Gargaar Degdeg ah usoo Diray Somaliland

Sheeko:Dalka

Imaaraadka carabta ayaa labo diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah usoo diray Somaliland kuwaasi oo siday gargaar degdeg ah oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka ay Saamaysay duufaanta Sagar ee ku dhufatay galbeedka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo xubno uu hoggaaminayo oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa isla maanta diyaaradahaasi u kaxeeyay dhanka deegaanada ay saamaysay duufaantu, iyadoo gargaarkan uu yahay mid ay ugu deeqday hay’adda bisha cas ee imaaraadka carabta.

Saylici oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in diyaarad qumaati u kaca oo ay ugu deeqday Djibouti uu ku tagay goobaha ay biyaha dhibaateeyeen, isaga oo intaasi raaciyay in magaalooyin go’doonsan yihiin, waxaa kale uu ka hadlay khasaare naf iyo maal leh.

Duufaanta Sagar ee ku dhufatay xeebaha galbeedka Somaliland ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 38 ruux halka 10 kalana la la’yahay, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland. Ilaa 200,000 oo qoys ayaa ku barakacay duufaantan.

Waxaa la sheegayaa in dufaantan ay tahay tii ay dhibaatada badneyd ee halkaasi ka dhacdo 30kii sano ee la soo dhaafay.

Goobjoog News