U bood dhigaalka

Imaaraadka Carabta oo Madaxweyne Cusub Yeelatay

Sheeko:Amniga

Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan maanta loo doortay madaxweynaha dowladda iskutagga  Imaaraadka Carabta, kadib geeridii ku timid madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, Alnahyaan ayaa muddo ahaa Dhaxal suge.

Wakaaladda wararka ee WAM ayaa warisay in Sheikh Mohamed ay doorteen Golaha Sare ee Federaalka, waxaana uu noqon doonaa hoggaamiyaha dalkan hodanka ku ah saliidda ee sanadkii 1971-kii uu aabihiis aas-aasay.

Sheikh Mohamed, oo ku magac dheer ‘MBZ’ ayaa la kulmay xubnaha Golaha Sare ee Federaalka oo ka kooban madaxda toddobada imaaradood ee dalkaasi, xilli uu dalkaasi galay baroordiiq loo sameynayo Sheikh Khalifa.

Doorashadiisa oo ahayd mid si weyn loo filayay ayaa rasmi ka dhigeysa in uu hoggaamiyo dalkan, ka dib sanado badan oo uu talinayay sababo caafimaad darro  oo soo wajahay walaalkiis ka weynaa ee Sheikh Khalifa.

Goobjoog News