U bood dhigaalka

Imaaraadka Oo Berbera Ka Soo Dejiyay 1700 tan Oo Gargaar Ah

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya soo gaaray Markab gargaar oo ka yimid dalka Imaaraadka kaas oo la sheegayo in uu sido shixnad gargaar oo gaareysa illaa 1700 tan oo raashin ah.

Raashinkan 1700 ah, waxaa uu isugu jiraa 32000 kiis oo Kiiskiiba ku jiro 10 KG oo Bariis ah, 32000 KG oo Sonkor ah oo kiiskiiba ku jiro 5 KG, 26668 kiis oo kiiskiiba 10 KG oo bur ah ku jiro, 26.668 kiis oo midkiiba ku dhex jirto caag oo saliid ah, 1.650 sanduuq oo timir ah iyo 21.697 oo kabaha haweenka ah, iskaalshooyin iyo dharka roobka.

Mashruuca gargaarkan lagu soo uruuriyay waxaa loogu yeeraa “Soomaaliya dartaa”, waxaana uu muddo ka socday dalka Imaaraadka, waxaana ku wadday musasada Bin Za’id Aala Nahyaan ee uu madax ka yahay madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Khaliifa Bin Za’id Ala Nahyaan, waxaa kale oo taageerayey Sheekh Maxamed Bin Zaaid, Sheekh Mansuur Bin Zaa’id

Goobjoog News