U bood dhigaalka

Imaaraadka Oo Mar Kale Dharbaaxo Kala Kulmay Djibouti

Sheeko:Caalamka

Xukuumadda Djibouti ayaa sheegtay in ay qarameyneyso Saamiga Shirkadda Dekadda Djibouti, taasi oo gaareyso saddex meelood labo meel ee dekadda “Doraleh” ee Konteenarada, arrintani ayaa sii kordhineysa khilaafkii ka dhaxeeyay Djibouti iyo Shirkadda DP World.

Madaxtooyada Djibouti ayaa sheegtay in si toos ah loo qarameeyay Saammigan, dowladdana ay la wareegi doonto dekadda iyada oo laga fogaanayo farogelinta shirkado Shisheeye.

Ujeedada go’aanka qarameynta ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu ilaalinayo danaha asaasiga ah ee dalka iyo danaha dalalka ay isbaheysiga yihiin.

Shirkadda DP World ayaa waxaa ay la wareegtay Saamiga saddex Meelood dekadda Doraleh,taasi oo keentay in muddo Lix Sano ah uu muran ka dhex taagnaa xukuumadda Djibouti kuna saabsanaa cidda xaga u leh in ay Maamusho dekadda.

Go’aanka qarameynta ayaa imaanaya shan Maalin kadib markii ay DP World ay sheegtay in ay u dacwooneyso Maxkamadda Caalamiga ah ee London, iyada oo tilmaantay in Djibouti ay u diideyso Maamulidda dekadda Doraleh ee Konteenarada .

Khilaafka labada dhinac waxaa ugu muhiisanaa markii uu caddeeyay Baaraha guud ee Djibouti Xasan Ciise bishii bishii Febraayo in la soo afjaray waxyaabihii gaarka ahaa ee la siiyay Shirkadda DP World taasi oo aheyd in dekadda Doraleh ay maamusho muddo dhan 50 sano.

Sida ay sheegayaan tiro koobyo rasmi ah ee Djibouti in dekadaha dalka ay Maalintii isticmaalaan 70 Markab kuwaaso oo ka yimaada 59% qaaradda Aasia, halka Maraakiibta ka timaada Yurub ay gaarayaan 21%, Maraakiibta ka timaada  qaaradaha kale oo ay ka mid tahay Afrika ayaa iyagana gaarayaan 16% .

Goobjoog News