U bood dhigaalka

Imaaraadka Oo Si Xun Ula Dhaqmay Ra’isul Wasaare Kheyre

Sheeko:War

Marka aan ka hadleyno  dawladnimadu maaha  in la sheegto laakiin waxaa ay u baahantahay in la lagu  dhaqmo  qoraalkayga  gaaban, waxaan ku eegayaa  dawlada Soomaaliya iyo hagardaamada  lagu sameynayo ee  kaga imaanaysa dawladaha  adduunka  qaarkood.

Dowlad walba oo adduunka waxaa jira xeer siyaasadeed oo ay dalalka kale kula dhaqanto,  dawladwalba waxa ay jeceshay in sida ay u ilaalinayso xeerkaas in aan lagu soo xadgubin.

Marka aan ka hadlo Soomaaliya  sidii ay ahayd   iyo maanta sida ay tahay farqi weyn ayaa u dhexeeya waxaana sabab u ah moojadaha siyaasadeed ee nahagdaamiyay noona diidan in aan markale cagaheeda ku istaagno , waxaasi ka sii daran in siyaasiyiinteenu ay garan la’yihiin hagardaamadaasi  aafaysaya  hormarka shacabka soomaaliyeed iyo  aayihiisa  ,

Yaan hadal idin ku badin, qoraalkayga waxa  uu ku saabsantahay  arintii ugu danbeysay ee dawlada imaaraadku ay  sameysay  mana kahadlay  arinta ku saaba heshiiskii  sadex geesoodka ahaa ee dhexmaray  shirkadda Port Wolrd,  Somaaliland iyo Itoobiya laakiin waxaan ka hadlayaa  arinta ka duwan ee ah in ra’iisul wasaarihii dawlada  lagu marti qaado  dalka imaaraadka  isla markaana  asaga oo jooga la saxiixo  heshiiskan sadexgeesoodka.

Inta aan qodobkaas u guda gelin waan in aan ogaanaa dalkeena Soomaaliya oo aad moodo in weli faragelin shisheeye in lagu hayo ayadoo weliba  ah mid muuqata ,hadii shalayto  aan ku andacoonjiray  in reergalboodka iyo dawladaha deriskuba in ay faragelin nagu hayaan, waxaa  soo baxday mid cad oo muuqata , dawlada imaaraadka oo ka mid ah dawalaha khaliijka ayaad moodaa in sanadihii ugu danbeeyay  in ay  faragelin ku hayso dalwado badan  oo ay Soomaaliya ka mid tahay  ujeedkeeduna waxa weeye sidii ay u ilaalin lahayd dhaqaalaheeda oo ah mid xoogan .

Hadaba su’aasha aan isweydiiyay,   waxa ay tahay in heshiiskan la saxiixo  ayada oo ra’iisul wasaarihii soomaaliya oo ku sugan yahay dalka imaaraadka maxaa keenay ?

Jawaabteedu waxa ay tahay in dawlada imaaraadku ugu tala gashay in arintu sidaa noqoto waana mid layaabo  waxa ayna ku tusaysaa in imaaraadku  aysan  aqoon sanayn  soomaaliya  qiimana  u lahayn waayo  in ay ra’iisal wasaarihii  ku marti qaadaan hadana ay ku ceebeeyaan waa arin fool xun

Su’aasha kale ee aan  isweydiiyay  waxa ay tahay  safiirka Soomaaliya u fadhiya  imaaraadka miyuusan arintan ka war hayn,   waxaana hubaal ah in Imaaraatiyiintu aysanba qiima u yeelin mar hadii ra’iisul wasaarihii oo dhan bilaa qiima laga dhigay ,

Isku soo duub arinatan lagu sameeyay  dawlada Soomaaliya waa arin lagu ceebeynayo laguna dhabar jebinayo  sidaa darteed waa in  mas’uul kasta oo soomaaliyeed uu ku cibrad qaataa  arintan ku dhacday ra’iisul wasaaraha dawlada soomaaliya . isla markaana fahamnaa qiimaha dawladanimada ee aysan naga noqon sheegasho uun keliya .

W/Q: Xasan Cabdi Maxamed