U bood dhigaalka

Imaaraadka Oo Taageeraya Dhismaha Tubooyin Saliidda Qaada Oo Isku Xira Itoobiya Iyo Eritrea

Sheeko:Caalamka

Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa go’aansaday in ay sameeyaan baaritaan lagu dhisayo Laymanka dhuumaha Saliidda qaada kaasi oo isku xiri doona dekadda Casab ee Eritrea iyo Caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa.

Arrinkan ayaa yimid intii uu socday kulan ay shalay Adis Ababa ay ku yeesheen Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo Wasiiru dowladaha Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Imaaraadka Carabta Reem Al Hashimi sida ay sheegtay Idaacadda Fana ee laga leeyahay dalka Itoobiya.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay waddooyinkii lagu fulin lahaa heshiisyada Maalgashi ee u dhaxeeya labada dal, kuwaasi oo ka mid ah horumarinta dhismayaasha waaweyn iyo goobaha lagu nasto, sidoo kale waxaa ay ku heshiiyeen labada dal in la sameeyo baaritaan lagu dhisayo Laymanka dhuumaha Saliidda qaada kuwaasi oo isku xiraya dekadda Casab iyo Itoobiya.

Al Hashimi oo wareysi siisay Idaacadda Fana ee Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqday in Imaaraadka uu ku dadaalayo in uu ka faa’ideysto Fursadaha Maalgashi ee ay heysato Itoobiya.

Waxaa ayna tiri “Heshiiskii nabadgelyo ee lagaaray una dhaxeeyay Itoobiya iyo Eritrea waxaa uu u yahay Imaaraadka Fursad Maalgashi oo Wanaagsan taasi oo uu ka helay Itoobiya.

9,July, 2018-da waxaa ay ku kala saxiixdeen Asmar Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Heshiis Nabadgelyo iyo Mid Saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal, kaasi oo lagu dhameynayay dagaalka labada dhinac.

Eritrea ayaa Madaxbanaanida ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993 kadib dagaal socday muddo ku dhow 30 Sano.

Goobjoog News