U bood dhigaalka

IMF: Dhaqaalaha Soomaaliya Ma Jiri-doono Kobac, Xasan Sh. Ayaa Ka Dhaqaale Fiicnaa Farmaajo

Sheeko:Dalka

Hey’adda Lacagta adduunka (IMF) ayaa todobaadkan waxaa sheegtay in kobaca dhaqaalaha iyo waxsoosaarka Soomaaliya aanu isbadaleyn sanadkan, oo uu ahaan-doono 2.9  boqolkiiba, waase haddii ay da’aan doorababka la filayo dhammaadka sanadkan.

“Inkasta oo uu koror jiro, maaliyadda ay soo fiicnaaneyso, laakin dhakhliga qofka soo galo waa mid hooseeya, waana in la helo ilo lagu xoojinayo dhaqaalaha, laguna dhimayo faqriga” sidaasi waxa lagu sheegay qoraalka IMF.

Meelaha uu ka jiro dhaq-dhaqaaq fiican ee xaga dhaqaalaha waxaa ay hey’adda ku sheegtay isgaarsiinta, ganacsiga, dhismaha iyo hey’adaha maaliyadda.

Bangiga adduunka waxaa uu sanadkii hore sheegay GDP   ama kobaca dhaqaalaha iyo waxsoosaarka Soomaaliya uu kobac ahaan gaaray ilaa 2.8 boqolkiiba.

Dhanka kale sicirbararka sanadkan 2019-ka waxaa uu gaari-doonaa 3 boqolkiiba halka 2018-ka uu ahaa 3.2 boqolkii.

Labadii sano ee ay jirtay xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaa ay qiyaasta aheyd 2017(2.3) iyo 2018(3.1), waxaa xusid mudan in uu madaxweyne Farmaajo la wareegay talada dalka iyada oo GDP  Soomaaliya uu yahay 4.4 boqolii.

Goobjoog News