U bood dhigaalka

IMF: Dowladda Soomaaliya Waxaa U Socda Wejiga 3aad Ee Barnaamijka SMP

Sheeko:Dalka

Saraakiil ka socota hey’adda lacagta adduunka ee IMF, uuna hoggaaminayo Maxamed  H. El-xage ayaa soo gabagabeeyey booqasho ay ku yimaadeen magaalada Nairobi  September 15–20  iyaga oo u kuul-galay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay barnaamijka SMP.

“Dowladda Soomaaliya-iyada oo ay ku jirto xilli adag dhanka kaabayaasha dhaqaale iyo siyaasadda-waxaa ay ku socotaa sidii laga rabay arrimaha dejinta siyaado iyo hirgelinta dhaqaalaha” sidaasi waxaa uu war saxaafadeed ku yiri Maxamed  H. El-xage .

Isaga oo intaasi raaciyey “Xukuumadda federaalka ah waxaa ay dhameysay 2 weji oo barnaamijka SMP , kaas oo midkiiba qaatay 12 bil, May 2016 iyo  June 20 sanadkan”.

Agaasimaha IMF waxaa uu ogaalady in Soomaaliya bilowdo wejiga 3aad ee (SMP III), oo isna 12 bil ah, waxaa uu soconayaa May 2018–April 2019. Barnaamijkan waxaa uu u saamaxayaa in Soomaaliya laga qafiifiyo deymaha iyo inay qeyb ka noqoto barnaamijka deymaha lagu siiyo dalalka baahan ee (HIPC).

Goobjoog News