U bood dhigaalka

IMF Oo Soo Dhaweysay Dib u Eegista Lagu Sameeyay Miisaaniyadda Dowladda

Sheeko:Dalka

Gudiga Fulinta ee Hay’ada Lacaga Aduunka ayaa soo dhoweeyey in ay Sooomaaliya dib uga howlgashay kadib markii la eegay (Aritical VI), iyadoo qiimayntaan mid la mid ah ay ugu danabaysay in Soomaaliya laga sameeyo 26 sano ka hor.

Warbixin ay soo saartay IMF ayaa lagu sheegay in Gudiga Fulintu ay oggolaadeen qiiimaynta ay sameeyeen hawlwadeena Hay’adu. “Waxaa Soomaaliya la soo darisay caqabado dhib badan wixii ka danbeeyey dagaaladii sokeeye. Wixii hada ka danbeeyana mudnaanta kowaad waxaa la siinayaa dhismaha hay’adaha dawladda iyo taabagalinta dhinaca maamulka, iyadoo la samaynayo dib u habayn dhinaca qaab-dhismeedka ah si loo dhiirrigeliyo koboca dhaqaale, loona yareeyo saboolnimada. waxaan caddeeyeenaa in beesha caalamku muhiimad gaar ah siinayso Soomaaliya si loo baritaaro dadaalada ay waddo dawladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warbixinta.

Gudiga ayaa waxay sheegeen in xoogga la saarayo baahida loo qabo in tallaabooyin muhiim ah loo qaado dhismaha nidaamka maaliyadda, iyadoo sal looga dhigayo hab miisaaniyadeed iyo fulin dhab ah. Waxayna soo dhoweeyeen meelmarinta Golaha Wasiirrada ee dib u eegista miisaaniyadda sannadka 2015 si looga fogaado in qaladaad maaliyadeed oo cusub soo baxaan, iyadoo kor loo qaadayo dakhliga lana xadaynayo mushaharaadka, adeegyada asaasiga ah iyo kharashaadka kale ee Dowladda.

“Waxay Gudigu xoojinayaan muhiimadda ay leedahay dejinta miisaaniyadda xilliga dhow iyadoo lagu shaqaynayo hannaanka maaliyadeed, ee ku salaysan mabaadii’ wanaagsan oo maaliyadeed, warbixin daahfuran, iyo dib-u-eegis kharashaadka si kor loogu qaado qoondaynta dhaqaalaha ee dhinacyada maalgashiga dalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha”

Sidoo kale Gudiga Fulintu waxay soo dhoweeyeen dadaalada socda ee lagu xoojinayo qaab-dhismeedka maamulka iyo awoodda ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo taageero laga helayo Sanduuqa Lacagta ee Caalamiga ah iyo beesha caalamka. Waxayna ka digeen in aan dib u habayn lagu samayn karin hiltaanka shilin Soomaali cusub ilaa shuruudaha oo dhan laga hirgelinayo, si loo ilaaliyo aamminaada siyaasadeed.

Dhanka kale Gudiga Fulintu waxay sheegen iney xoojinayaan dib u habaynta maaliyadda dalka, muhiimad gaar ahna la siinayo kalsoonida iyo hubanti ku saabsan shati-bixinta iyo las-socodka shirkadaha lacagaha xawila, si gacan looga geysto in la helo qaab xawilaad oo nidaam bangi ku salaysan. Waxayna gudigu ku taliyeen in la helo nidaam lagu cirib tirayo lacaga been xalaalaysiga iyo ka hortaga maalgelinta argagaxisada (Anti-Money Laundering and Countering Financing of Terrorism) si waafaqsan nidaamka iyo xeerarka caalamka.

Gabagabadii Gudiga ayaa soo jeediyey in IMF iyo deeq bixiyayaasha caalamku a ay ku dhiirrigeliyeen Dawladda in la sii wado sidii looga shaqayn lahaa in la tirtiro deyn muddo socotay oo lagu leeyahay Soomaaliya. Waxayna sheegeen in waqtiga ku habboon la sameeyo iskaashi u dhexeeya Soomaaliya iyo IMF oo ku saabsan lacag bixinta iyadoo lagu salaynayo barnaamij si wanaagsan loo qorsheeyey oo ay hawlwadeenada IMF ay gundhig u yihiin, kaasi oo tallaabo muhiim u ah deyn cafinta iyo hagaajinta xiriirka beesha caalamka. waxayna Gudigu xoojiyeen in loo baahan yahay taageero caalami ah oo sii socota oo la siiyo Soomaaliya, waxana ay soo dhoweeyeen abuuridda Kooxda Farsamada oo ka shaqaynaya deynta Soomaaliya.