U bood dhigaalka

IMF oo Soo Gabagabeeysay Dib -u – eegistii 5aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay heerka qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya. Guddiga Sare ee Hey’adda IMF ayaa soo gabagabeeyay dib u eegistii 5aad ee uu ku sameeyay hannaanka la socodka sharuudaha Deyn cafinta Soomaaliya.

Hey’adda IMF ayaa ku boogadisay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu go’an tahay dadaalada lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey’addaha kale ee Deymaha waa wayn ku leh Soomaaliya.

Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in lalabo jibaaro daadalada lagu dardargelinayo kordhinta Dakhliga gudaha si mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta iyadoo la yareynayo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF. Wasiirka Elmi ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

” Warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF waa war wanaagsan. Arrimaha dib-u-habeyntu waxa ku socdaan waddadii saxd ahayd, waxaana naga go’an inaan aragno guulo badan inkastoo oo ay jiraan caqabado”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.

IMF waxa ay sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku amaantay in ay xoojisay Maamul wanaagga iyo hufnaanta iyadoo horumar laga sameeyay hannaanka Iibka Qandaraasyada Qaranka iyo heshiisyada ay Dowladdu gasho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya dadaal xoogaan ugu jirta in ay dhammaystirto dhammaan Sharuudaha iyo dib-u-habeynta ku xiran cafinta deymaha faraha badan ee lagu leeyahay Soomaaliya tan iyo burburkii.

Goobjoog News