U bood dhigaalka

IMF oo taageertay Dedaallada Soomaaliya Ee Ka Guul Gaaridda Qorshaha Deyn Cafinta

Sheeko:Dalka

Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva oo kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaacisay in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horraanta 2020.

“Waxaan kulan mira dhal ah shalay xarunta dhexe ee IMF kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,waxaan ugu hambalyeeyay dhaqan gelinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib-u-habeynta dhaqaalaha,iyadaoo ay jireen caqabado badan,Waxaan is-weydaarsannay muhiimadda ay leedahay in deynta looga cafiyo sida ugu dhaqsaha badan,iyadaoo la raacayo hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan HIPC)”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay IMF

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta iy,adaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhammeystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen.

Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC).

“Joogteynta shaqo wanaagga xooggan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay waddada u xaareysaa Soomaaliya in deynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhaw.

Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada Soomaaliya ee deyn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah deyn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka ku baxaya deyn cafinta”, ayaa sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaallada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Soomaaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay si ay ugu furmaan albaabbada hey’adaha dhaqaalaha adduunka.