U bood dhigaalka

IMF: Soomaaliya Waxaa ay u Gudubtey Wejiga 4aad ee Barnaamijka SMP

Sheeko:Dalka

War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa lagu sheegay in hey’adaha dowladda federaalka ah ay ka soo baxeen shuruudihii barnaamijka SMP3, la iskuna afgartay ka gudbidda wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta  loona gudbay qeybta afaraad oo soconaysa bishan May ilaa bisha Jully ee sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Hay’adda lacagata waxa ay u soo jeedisay madaxda Soomaaliya joogteynta wadadii guuleysatay ee looga soo gudbay wajiyadii hore ee Barnaamijka kooxda la socodka SMP.

Qoraalkaan waxaa uu ka dambeeyay kulan ka  dhacay Addis ababa 24 bishii April ilaa 2dii Bishaan May kaasoo u dhaxeeyay madaxda wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda  Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo koox ka socotay IMF oo ay hogaaminaysay Allison Holland waxaana ay isla meel dhigeen ka gudbida wajigaan.

Kulankaan waxaa ka kale oo ka qeyb galay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Guddmooiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Dr Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku soo dhaweeyay warbixinta Hay’adda lacagta aduunka ay soo saartay ee looga gudbay Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafiska SMP3

“ Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta IMF oo shaacisay in aan si guul ah uga gudubnay Barnaamishkii SMP3 taasoo muujisay inaan fulinay dhamaan shuruudihii na looga baahnaa.  Waxaa naga go’an har iyo habeen in aan ka shaqeyno dhameystirka howlaha ina horyaala” ayuu yirri Wasiirka Maaliyada

Toddobaakan shir jaraa’id uu Wasiirka Maaliyadda ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka gududbtay wajiga sadaxaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliyana raja weyn ka qabto in sanadka soo aadan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Goobjoog News