U bood dhigaalka

Imisa Jeer Ayey Soomaaliya iyo Kenya Kala Qaateen Safaaradaha?

Sheeko:Amniga

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya waxaa ku jiray hummaag 10-kii sano ee ugu dambeysay, tan iyo markii ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiiskii badda April 7, 2009.

Heshiiskaas kadib, Soomaaliya waxay bilowday iney iska diido natiijada, baarlamaanka Soomaaliya ayaa laalay heshiiska October 8, 2011 halka dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh ayba dacwo geysay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey August 28, 2014.

Muddadaas dheer, oo ay joogeen madaxweyneyaasha Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh iyada oo uu jiro muranka badda, weliba dacwad socoto hadana waxaa caadi ahaa xiriirka labada dhinac, laakin tan iyo markii uu madaxtinnimada la wareegay madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu guud ahaan daal ka muuqdaa siyaasadda arrimaha dibadda, keliya ma aha inuu qeyb ka noqdo loolanka Khaliijka, ee waxaa uu la saxiibey ra’siul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed isaga oo dhabarka aadiyey Kenya, waxaana dhacday xilligiisa in labojeer la kala qaato safaaradaha.

Kenya iyo Itoobiya waa labad dal oo daris ah, loolan dheerna uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, isla markaana heysto dhul iyo dad Soomaaliyeed, iyada oo sidaa tahay xaaladdu waxay aheyd mid ka deggan sidii qarnigii hore, laakin Farmaajo ayaa qaatay siyaasad uu ku kala saarayo labadaasi dal, oo ah inuu soo dhoweysto Itoobiya oo ciidamo AMISOM iyo in ka badan oo sharci darro ah dalkeenna ka joogaan, uuna ceyriyo Kenya,

Haddaba  Halkan hoose ka Akhriso, Sooyaalka Loolanka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal:

February 7, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Feb 16, 2019:- Kenya waxay la noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto.

Febraayo, 17, 2019: Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

March 6, 2019:  Kulan uu la joogay Abiy Axmed, Uhuru iyo Farmaajo oo ku shiray madaxtooyada Kenya ayaa ku heshiiyey in la soo celiyo xiriirka diblomaasi taasi oo keentay inuu safiirka Soomaaliya uu Nairobi dib ugu laabto May 2019-kii.

October 11, 2019: Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, iyada oo loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah diyaarad Kenya ay leedahay oo ku xadgudubtay hawada Soomaaliya 5-ta bisha Oktoobar , taasi oo caga-dhigatay gegidda diyaaradaha Kismaayo iyada oo aan heysan oggolaansho rasmi ah.

Februay 27, 2020: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.

November 29, 2020:  Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in Soomaaliya ay latashiyo ugu yeereyso safiirkeeda Kenya Maxamuud Tarsan halka ay dalkiisa la tashi ugu dirtay safiirkii Kenya ambassador Lucas Tumbo, arrintan ayey Villa Somalia ku sheegtay faragelin ay Nairobi ku heyso arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

November 30, 2020: Dowladda Kenay oo ka jawaabeysa ceyrintii Soomaaliya ee safiirka Kenya iyo lasoo noqoshada midkeeda ayaa sheegtay in aaney jirin warqad rasmi ah oo Muqdisho ka timid, oo loogu sheegay in safiirka Kenya uu dalkiisa u aado wadatashi iyaga oo intaasi raacisay

Arrinta kale, Soomaaliya waxaa ay Qaadka u isticmaashaa cadaadiskeeda halka Nairobi ay ku gorgortanto fiisayaasha iyo marinka Wajeer, arrintaas oo shirar badan laga galay tan iyo shirkii Adis Ababa July 2015kii ilaa shirkii IGAD ee Muqdisho September 2016-kii iyo shirkii March 2017.

Xilligan waxaa hakis ku jira qaadkii ka man jiray Kenya, go’aankaas ayey Muqdisho gaartay March sanadkan, inakata oo uu qaad ka yimaado Itoobiya.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye,