U bood dhigaalka

Imisa Musharrax Ayaa Isku Diiwaangelisay Tartanka Guddoonka Aqalka Sare ee BFS?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha guddi hoosaadka diiwaangelinta doorashada guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxmuud oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa noo xaqiijiyay in uu hal musharrax oo qura uu illaa iyo hadda isku diiwaangeliyay tartanka guddoonka Golaha.

Guddoomiye Sen. Xuseen Sheekh ayaa ugu horreyn waxa uu ka hadlay guddiga uu hoggaamiyo ee shaqadoodu bilaabay shalay halka ay wax u marayaan:

“Guddiga howshiisa si fiican bay u socotaa Shalay ayay bilaabatay diiwaangelinta, maanta iyo barri ayay soconeysaa Kow iyo Tobon saac ayay ku eeg tahay diiwaangelinta, illaa iyo shalay hal murashax ayaa is diiwaangeliyay, maanta iyo barri ayaan fileynaa murashixiinta kale iney isasoo diiwaageliyaan, marka si habsami leh ayay u socotaa diiwaangelinta murashixiinta, guddoonka Aqalka Sare”.

Waxa uu ka hadlaya in murashixiintu ay si joogta ah ugu yimaaddaan guddiga si ay u ogaadaan shuruudaha laga doonayo una soo buuxiyaan:

“Murashixiintu xafiiska ayay yimaaddaan akhbaar baa la siiyaa waxyaabaha laga doonayo ee documentiyada, shuruudaha laga rabo iney soo buuxiyaan baa la siiyaa si joogto ah ayay u yimaaddaan inta aaney diiwaangelinta rasmiga ah dhicin, waxay ku egtahay barri oo Khamiis ah 5:00 galabnimo”.

Sen. Xuseen waxa uu ka hadlay shuruudaha guddigu ay hor dhigayaan musharraxiinta lagama maarmaanna ay tahay iney soo buuxiyaan:

“Shuruudaha waxaa ka mid ah qofku inuu soo gudbiyo codsi rasmi ah jagada uu soo codsanayo, sidoo kale Labo sawir oo nooca teesaraha ayaa laga rabaa, waxaa laga rabaa lacagtii carraarta inuu soo shubo oo Bankiga Dhexe ku soo shubo oo warqaddii residka(caddaynta) uu keeno intaas ayaa ugu muhiimsan”.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay inaaney jirin beel si goonni ah wax loogu qoondeeyay, xubnah oo dhamina ay xaq u leeyihiin iney isa sharraxaan:

“Guddoonka qof walba oo ka tirsan xubnaha xildhibaannada aqalka sare waa isasoo taagi karaa, shuruud gaar ah oo reerkaas iyo meesha ah ma jirto”.

Guddiga qabanqaabada doorashooyinka guddoonka aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqay Isniintii kadib kulan ay iskugu yimaaddeen xubnaha aqalka sare oo  ka dhacay Muqdisho .

 

Goobjoog News