U bood dhigaalka

Imisa Weerar Ayey Sanadkan Mareykanku u Geysteen Al-shabaab?

Sheeko:Amniga

Weerrada ay Mareykanku qaadaan ee ka dhanka ah xarakada Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay sii badanayaan iyada oo aaney taasi hoos u dhigin awooddii kooxda.

Sanadkan, ciidamada Mareykanka waxaa ay duqeeyeen goobo Al-shabaab deggan yihiin ilaa 29 jeer, waa isla tiradii ay geysteen sanadkii hore, laakin waxa la sheegayaa in taasi aaney waxbo ka badalin weeraradii Al-shabaab ama awoodooda.

Sida ay qortay The Guardian, Mareykanka waxaa ay duqeeyeen Mudug iyo meelo kale, iyaga oo halkaasi ku dilay dagaal-yahanno badan.

Dhinaca kale, Nabad-galyo la’aanta ka jirta Soomaaliya waxa ay sababtay inay dad badan barakacaan, keliya bishii August kadib waxaa barakacay in ka badan  34,000 oo qof, sababaha ugu badan waa dagaallada, abaarta ama xataa fatahaadda.

 In ka badan 2.6 million ayaa barakac ku ah gudaha Soomaaliya, waxaana maal-gelin toos ah loo la’yahay hey’adaha gargaarka.

Goobjoog News