U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bishii Maarso , 2015

Dalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka dhacayeen dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafey ayaa waxaa caadi iska noqdey dilka dadka, gar iyo gardaraba, waxaana intaasi sii dheer in ay aad u yartahay garsoorka ay helaan dadka dhibanayaasha ah ee la diley ama la dhaawacay.

Waxaa laga yaabaa in aan soo wada koobi weyno dhamaan dilalkii dalka ka dhacay, waxaanse halkani kusoo uruuriney inta badan dilalkii dhacay bishii Maarso 2015-ka, intii aan haleelney.

Sida ku cad tirakoobka aan sameyney illaa 74 qof ayaa siyaabo kala duwan dalka loogu diley, halka dad 49 qof ah ay dhaawacmeen .

Dadka la diley waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, waxaa jira dad ganacsato ah, culumaa’u diin, haween, iyo saxafiyiin ah, waxaase dadka la diley ugu badan askarta ka tirsan dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha nofeember oo oo taariikheysan, magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

Maarso 1, 2015 : Qof ayaa lagu dilay wadad Via Laberia ee degmada Waaberi, Muqdisho
Maarso 2, 2015: Taageere ka tirsan Kooxda Jeenyo ayaa lagu dilay garoonka Banaadir, waxaana toogtey askari ka tirsan ciidamada dowladda oo nidaamka illaalinayay, waxyar ka hor dilka waxaa garoonka ka dhacay rabshado dhexmaray taageerayaasha.
Maarso 4, 2015 : Hay’adaha ammaanka Gobolka Banaadir, ayaa waxay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen mooto bajaaj lagu soo xiray walxaha qarxa. Mootada iyo dhowr nin ah oo la socday, ayaa lagu soo bandhigay Saldhiga Booliska ee Degmada Hodan. Mootada waxaa ku jiray walxaha qarxa.
Maarso 04, 2015: Nin ay walaalo yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu dhaawacay magaalada Muqdisho. Dabley hubeysan ayaa ku weerarey meel u dhow gurigiisa oo ku yaal xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.
Maarso 5, 2015: Rag hubeysan ayaa waxay nin ku dileen deegaanka Warankaar ee Gobolka Galgaduud, iyadoo dhanka kalana ay soo baxayaan warar sheegaaya in dilkaasi uu ku saleysan yahay dilalka aanooyinka beelaha dhexdooda ah. Ragga dilka geystay, ayaa dhowr xabbadood huwiyay marxuumka, waxaana u suurta gashay in dilka ka dib baxsadaan deegaankaasi
Maarso 6, 2015: Lix qof ayaa ku dhimatay dagaal deegaanka Saaxo ku dhexmaray labo maleeshiyo beeleed oo ku diriray Ceel Biyo.
Maarso 6, 2015: Nabaddoon lagu dilay Beledweyn goor habeen ah, Nabadoonka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Aadan Siyaar oo laga garanaayay Magaalada, waxaana sidoo kale markii nabadoonka la dilay hooygiisa laga kaxeystay wiil dhalinyaro ahaa oo xaafada ku sugnaa. Meydka Wiilka dhalinyarada ah ayaa aroortii dambe waxaa lagu arkay meel lagu magacaabo Birja-Ciinto, xilli meydka wiilka ay ka muuqatay rasaas lala dhacay.
Maarso 8, 2015: Askari ka tirsan Ciiadamada Dowladda Soomaaliya ayaalagu dilay Magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalana ay baxsadeen rag bistoolado ku hubeysnaa oo dilay. Dilka askariga, ayaa ka dhacay xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir, waxaana askariga la dilay, xilli uu ka soo baxay hoygii uu ka deganaa xaafadaasi.
Maarso 9, 2015: Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in rag hubaysan Magaaladaasi ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Askarigaan ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Buundaweyne ee Magaalada Baledweyne, sida uu xaqiijiyay Col.Isaaq Cali Cabdulle oo ah Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Hiiraan
Maarso 10, 2015: Afar qof ayaa ku dhaawacantey qarax ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.
Qaraxa oo ka dhashay bam nooca gacanta laga tuuro ah waxaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan nabadsugidda degmada Jowhar. Goobta qaraxu ka dhacay waa xaafadda Hantiwadaag gaar ahaan dhinaca Geelow-Jaw, waxaana daqiiqado kaddib aagga soo gaarey ciidamada ammaanka.
Maarso 11, 2015: Goor habeen ah ayaa waxaa uu qarax ka dhacay agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdishu, labo qof ayaa ku dhaawacntay qaraxaas, waxaa sidoo kale ku burburay Hanti badan.
Maarso 12, 2015: Siddeed (8) qof ayaa ku geeriyootay oo labo ka mid yihiin dadkii weerarka soo qaatay dagaal ka dhacay xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed ee Soomaaliya.
Maarso 14, 2015: Askari ayaa tuulada Gaawiito oo 3 Kiilo Mitir dhanka waqooyi kaga beegan degmada Baladxaawo ku dilay nin beeraleey ah oo lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdi , isaga oo sidoo kale dhaawacay qof kale.
Maarso 14, 2015: Wararka ka imaanaya magaalada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay Hooyo, Aabbo, Afar caruur ah iyo Ayeeyo, Lama oga sababta dilka.
Maarso 15, 2015: Rag hubeysan ayaa duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ku gowracay nabaddoon lagu magacaabo Bashiir Xasan Cabdulle (Xooshow), wiil uu dhalay iyo nin kale oo u shaqeyn jiray.
Maarso 15, 2015: Sarkaal ka tirsan shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa la dilay, ninkaasi ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Gooni Guure. Gooni wuxuu ahaa Injineer ka hawlgala Hormuud, da’diisuna waxaa lagu sheegay 33 sano jir. Waxaa xusid muddan in ninkani lagu toogtey xarunta Hormuud horteeda.
Maarso 16, 2015: Nin macalin dugsi qur’aan ah ayaa waxaa lagu dilay xaafada Xaawo Taako ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo ay dilka geysteen rag bistoolado ku hubeysnaa.
Maarso 16, 2015: Ciidamo Itoobiyaan oo kasoo gudbay xudduuda ayaa weeraray degmada Buuhoodle ee Gobolka Sool, iyadoo ciidamadan ay doonayeen inay gacanta ku dhigaan Macalin dugsi qur’aan ah
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii dambe ku guuldareystay isku daygooda ahaa inay qabtaan ninka macalinka ahaa, kadib markii uu baxsaday balse waxaa ay halkaas ku dhaawaceen haweenay arday ahayd.
Maarso 17, 2015: Ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyooday, iyadoo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen in ka badan 10-ruux shil gaari oo subaxnimadii hore ee maalintaasi ka dhacay waddada isku xirtay Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Maarso 17, 2015: Rag ku hubeysan bistoolado ayaa degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Haweeney la sheegay in ay ka mid ahayd Haweenka Nadaafadda ee degmadaasi.
Maarso 21, 2015: Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay suuqa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, weerarkan ayaa wuxuu ahaa mid lagu geystay bambooyinka laga tuuro gacmaha.
Sarkaal ka tirsan booliiska Afgooye ayaa u sheegay warbaahinta in koox hubeysan ay bam-baano ku tuureen gudaha suuqa oo xilligaas aad u camirnaa, ayna geeriyoodeen laba qof oo dadkii goobta ku sugnaa ah.
Maarso 22, 2015: Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Puntland iyo mid kamid ah ilaalo la socotay ayaa dhawacmay kadib markii ay rasaas ku rideen Ciidan joogay Bar Kontrol oo ku taalla bartamaha Magaalada garoowe.
Maarso 22, 2015: Labo askari ayaa ku dhaawacantay weerar lagu qaaday saldhig boolis oo ku yaala Beerta Qaadka ee xaafada Zone K, magaalada Muqdisho.
Maarso 24, 2015: Koox hubeysan ayaa degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade aad looga yaqaanay degmadaasi.
Maarso 24, 2015: Goor Habeen ah ayaa Xaafada Sayidka waxaa lagu dilay ruux la sheegay inuu ahaa Guddoomiye xero dadka barakacayaasha , kaasi oo la shaqeyn jiray Guddoomiyaha Waaxda Sayidka ee Degmada Howlwadaag, waxaana ninkaasi dilay rag Bistoolado ku hubaysan.
Maarso 25, 2015: Koox hubeysan ayaa degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade aad looga yaqaanay degmadaasi. Nabadoon Aadan Cigaal oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Caabudwaaq ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dilkaan ay ka dambeeyeen 8 ruux oo uu sheegay in ay wateen Laba gaadiid, islamarkaana dhanka cadaado ka tagay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Maarso 25, 2015: Wararka ka imanaya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in duhurnimadii maalintaas lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, xilli uu dhex maraayay. Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa ninkaasi waxay ku toogatay meel ku dhow Masaajidka Abuu Hureyra, iyagoona dilka ka dib cagaha wax ka deyay.
Maarso 25, 2015: Qof shacab ah ayaa lagu diley deegaanka Buulo Sheekh oo ka tirsan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose
Maarso 27, 2015: Koox si weyn u hubeysan ayaa xilli casar ah weerartay hotel Makka Al Mukarama, kadibna gudaha u galay, halkaasi oo ay ka dagaalamayeen 12 saacadood, maalinkii xigtay ee sabtida ahayd wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in 14 qof ay ku dhinteen, sidoo kalana 50 la badbaadiyey. Waxa uu intaasi ku daray in 6 ka tirsan dagaalyahanada ay dileen, balse waxa saxaafadda ay aragtay 4 meyd oo xirnaa dareeska ciidamada oo illinka hoteelka lasoo dhigey. Madaxa isbitaalka Madina Duniyo Cali Maxamed ayaa Goobjoog u sheegtey in isbitaalka lasoo dhigey 28 qof, kuwaasi oo 4 ka mid ah ay markiiba dhinteen, 24-ka qof ee soo hartay ayay sheegtey in 10 ka mid ah ay dhaawacyadoodu darnaayeen, una baahdeen in qaliin lagu sameeyo, halka 14 kale durbadiiba inta la dhayay ay guryahooda aadeen. Dadka hoteelka ku waxyeeloobey ka sokoow waxaa jirey dad kale oo shacab ah oo ku dhintey hoobiyeyaal ku habsaday guryahooda, kuwaasi oo ay xalay is weeydaarsanayeen raggii hoteelka weeraray iyo ciidamada dowladda, illaa 2 qof ayaa ku dhimatay, qaar kalana waa ay ku dhaawacmeen, hase yeeshee tirada intaasi waa ay ka badan kartaa.

Maarso 29, 2015: Abukar Cabdullaahi Isaaq oo ah gudoomiyaha deegaanka Leego ayaa sheegay in howlgal ka dhacay degmadaas la dilay Seddax qof oo uu tilmaamay in ay ahaayeen kuwo Isbaaro dhiganayay, islamarkaana ka madax adeegay in lasoo qabto.

Maarso 30, 2015: Malaaq Cali Cabdi Xiidow iyo xaaskiisa ayaa lagu dilay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Dilalka