U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bishii May , 2015

Sheeko:Dalka

Dalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka dhacayeen dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafey ayaa waxaa caadi iska noqdey dilka dadka, gar iyo gardaraba, waxaana intaasi sii dheer in ay aad u yartahay garsoorka ay helaan dadka dhibanayaasha ah ee la diley ama la dhaawacay.

Waxaa laga yaabaa in aan soo wada koobi weyno dhamaan dilalkii dalka ka dhacay, waxaanse halkani kusoo uruuriney inta badan dilalkii dhacay bishii May 2015-ka, intii aan haleelney.

Sida ku cad tirakoobka aan sameyney illaa 86 qof ayaa siyaabo kala duwan dalka loogu diley, halka dadka ku dhaawacmay ay gaarayaan 40 qof .

Dadka la diley waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, waxaa jira dad ganacsato ah, culumaa’u diin, haween, iyo saxafiyiin ah, waxaase dadka la diley ugu badan askarta ka tirsan dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Haddii si kale loo dhigo waxa tirakoobka uu muujinayaa in celcelis ahaan maalin kasta 1 qof lagu dilayay dalka bishii May.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Inta badan waxa ay ku dambeeyaan weedha ah “Koox aanan heybtooda la garanaynin ayaa dilka geysatay”, aad ayayna u yartahay dadka inta fal geystaan caddaalada la hor keeno.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha nofeember oo oo taariikheysan, magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

Tirakoobka Dadka La Diley ama La Dhaawacay

May 3, 2015: Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan iyo 4 kale ayaa ku dhaawacantay qarax miino oo ka dhacay gudaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, dadka dhaawaca ah waa guddoomiyaha iyo ilaaladiisa oo laba qof ah, sarkaal ciidan iyo qof shacab ah, sida uu xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq, Faarax Macallin Bishaar.

May 3, 2015: Qof rayid ah ayaa lagu diley waddada 2-aad ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho xili maqribkii kadib ah, ragga dilka geystay, ayaa meydka ka soo dejiyay gaariga, waxayna horey ugu baxsadeen gaarigii uu marxuumku watay.

May 3, 2015: Maxamed Shiddane Diiriye oo lagu naaneysi jiray (Daqarre) oo xilliyadii lasoo dhaafay ahaa ganacsade ku nool dalka Koofur Afrika, horayna uga tirsanaa saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca ayey koox hubeysan ku dileen gudaha Suuqa Bakaaraha, kooxda ayaa baxsatay kadib dilkaas.

May 4, 2015: Labo Haween ah ayaa lagu dilay deegaanka Baallo oo 16-km u jira degmada Xuddur ee gobalka Bakool, Dilka kadib dadka deegaanka waxaa looga digay in labadaasi haween Aasaan sida Radio Goobjoog u xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka degmada Xuddur Mustaf Aadan Xuseen.

May 5, 2015: Weerar ayaa lagu qaaday Bar-koontarool oo ciidamada Puntland ku lahaayeen magaalada Boosaaso, waxaana la xaqiijiyay in halkaasi Hal qof uu ku geeriyooday.

May 5, 2015: Taliyihii hore ee asluubta maamulka Jubbaland oo lagu magacaabo Xasan Dhuub ayaa lagu diley xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo , ciddina looma qabanin dilka dhacay .

May 6, 2015: Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda degmada Wadajir Degmada Wadajir Cabdifataax Barre Guurre ayaa lagu diley degmadaasi

May 7, 2015: Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay qarax ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho..

Cap. Maxamed Xuseen oo booliiska Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxa ay askartan ku dhinteen uu ahaa miino lagu aasay meel ay dadku ku badan yihiin oo ka tirsan Suuqa weyn ee Bakaaraha.

 

May 8, 2015: Mid ka mid ah dadka degmada Yaaqshiid oo lagu magacaabo Abshir Maxamed Cumar Carraale (Dhukane) ayay kooxo hubeysan ku dileen degmadaasi. Lama oga sababta loo diley.

 

May 8, 2015: Xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland ayaa lagu dilay magaalada Galkacyo, Maleeshiyadii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta falka ay ka geysteen.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saciid Xusseen Nuur Dirir, waxaana xiliga la dilayay uu ka soo baxayay Masaajid ku yaala magaaladaasi oo uu ku soo gutay waajibaadka Salaada Makhrib.

May 10, 2015: Hal askari ayaa ka dhaawacmay Ciidankan booliska ee gobolka AWDAL kadib markii gaari ciidanka boolisku leeyihiin jid gooye u galleen koox dabley ah, halkaasi waxa ka dhashay iska hor imaad dhexay ciidankii booliska iyo kooxdaasi, waxaana markii dambe Dableyddii u talaabeen dhinaca xadka Itoobiya.

May 11, 2015: C/llaahi Maxamuud Cosoble oo ka tirsan Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayey dabley ku dhaawaceen xaafadda Hodan ee magaalada Muqdishu, dhaawaca oo mid fudud ahaa ayaa Cabdullaahi la dhigay Isbitaal Madiina.

May 18, 2015: Gabar Iskuuley ah ayaa lagu dilay isgoyska Banaadir ee degmada Hodan, Muqdisho, Lama oga sababta dilka.

May 19, 2015: Darawal ayaa lagu dilay Isgoyska Zoobe, ee Muqdisho , wuxuu ka mid ahaa Ilaalada mid Hotelada goobta ku yaalo ayaa dilka fuliyay.

May 19, 2015: Labo qof ayaa lagu dilay beerka Jaadka kadib markii labo maleeshiyo isku dhaceen, Lama oga in labada qof ka tirsanaayeen Maleeshiyada iyo in ay rayid ahaayeen.

May 22, 2015: Degmada Baydhabo ayaa lagu dilay labo qof oo mid ka mid ah uu ahaa Malaaq caan ka ahaa magaalada oo lagu magacaabi jiray Mad-Sabarow oo muddo 50-sano ah ka shaqeynayay nabadeynta, halka kan kalena uu ahaa ruux shacab ah oo oran jiray Kalifow, lamana oga cidda falkaas dilka geysatay.

May 23, 2013: Mas’uul ka tirsan Wasaarada gaadiidka Soomaaliya ayaa lagu dilay Wadajir, Banaadir , kaasoo lagu magacaabi jirey  Cumar Ubax.

Mas’uulkaan ayaa la sheegay in la weeraray xili uu gaarigiisa watay isagoo marayay nawaaxiga Isgoyska Korontada ee degmada Wadajir Magaalada Muqdisho waxaana geerida mas’uulkaasi xaqiijiyay agaasimaha wasaaradaasi Cali Gacal.

 

May 23, 2015: Ciidamo ka tirsan xoogga kuwa militariga Soomaaliya ayaa rasaas ku furey gaari ay wateen labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka, kaasi oo u diidey in uu seedka siiyo, halkaasina waxaa ku dhinte xildhibaan Yuusuf Dirir , waxaana ku dhaawacmay Xildhibaan Cabdalle.

 

 

May 24, 2015: ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay , 2 kale ayaa ku dhaawacmay dagaal Magaalada Marka ku dhex laba ka mid ah beelaha wada degga Gobolkaasi, dagaalka ayaa ka dhacay Isbitaalka Marka agtiisa.

 

May 25, 2015: Nin dhalinyaro ah ayaa lagu dilay Jowhar, Ninka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Barkade, oo deegaanka looga garanaaayay (Fatiika). Fatiika wuxuu ka mid ahaa dhalinta jecel kubadda cagta.

May 25, 2015: Ururka Alshabaab ayaa Afar nin oo lagu tuhmay hawlo basaasnimo ku toogtay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, Tafaasiil intaa dhaafsan lama hayo, waxaase toog.

May 27, 2015: 7 Qof ayaa ku dhintey bartamaha degmada Jowhar kadib markii bam lagu tuuray Bar ay ku sugnaayeen Ciidamada.

May 27, 2015: Waxaa lagu dilay degmada Carmo ee gobolka Bari duqii hore degmada Iskushuban C/risaaq Muuse Cartan xilli uu ku sii jeeday magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar waxaan dilka fuliyey maleeshiyaad beeleed degaanka ah.

Duqii hore degmada Iskushuban C/risaaq Muuse Cartan ayaa mudo 5 sanno ah waxaa uu gudoomiye ka ahaa degmada Isku-shuban walow xilka laga qaaday xili uu ku mashquulsanaa in uu gole deegaan u sameeyo degmada Isku-shuban.

May 31, 2015: Duleedka magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa laga heley meydka qof rayid ah, kaasi oo aanan la aqoonsanin.

Meydka ayaa waxaa ka muuqatay rasaas, waxana uu ka xirnaa labada gacmood.

Meydka oo qofkaan ayaa wararku waxay sheegayaan in jirkiisa ay ka muuqato rasaas, sidoo kalena Labada gacan uu ka xirnaa.

May 31, 2015:Ciidamada Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Itoobiya iyo ciidamo dadka deegaano ka mid ah Galgaduud ayaa dagaalo dhexmaray waxaa ku dhintey illaa 50 qof, 29 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

 

Goobjoog News

 

 

 

Mawduucyada:Dilalka