U bood dhigaalka

Imise Kursi Ayaa Haween Ka Ah Xildhibaannada Aqalka Hoose Ee Ka Yimid Puntland?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashada ee heer Puntland ayaa ka hadlay kaalinta haweenka ku leeyihiin xildhibaannada aqalka hoose ee lagu soo doortey magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha guddigaasi Khaliif Aw Cali oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dedaal badan ay u galeen sidii lagu ilaalin lahaa qoondada Haweenka.

Waxa uu sheegay in aqalka hoose ee Puntland laga doonayey 10 kursi iney haween ka ahaadaan, balse dadaalkooda ay ku hayaan 7 kursi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jireen beello diidanaa in kuraastooda ay haween sooyaan, dadaal kadibna ay ku qanciyeen in haweenka la keeno.

“10 kursi ayaa laga doonayey dhanka Puntland ee aqalka hoose, nasiib wanaag 7 ayaa illaa hadda haynaa, beelo badan baa diidanaa haweenka, laakiinse waxaan ku qancinay in haweenku ay xaq u leeyihiin kuraastaasi” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale guddoomiyaha guddiga doorashada heer Puntland Khaliif Aw Cali mar aynu wax ka weydiinnay inuu jirey farogelin maamulka Puntland ku hayey guddigooda waxa uu ku jawaabey “Maya ma jirin wax farogelin ah oo nalagu hayey, annaga ayaaba talooyin la aadi jirney, si xor ah ayuu guddiga ku shaqeeyey”

Puntland ayaa shalay soo gabagabeysay doorashada 37 xubin ee kaga soo aadey aqalka hoose, 7 kursi waa haween halka 30-ka kalena yihiin rag.

Goobjoog News