U bood dhigaalka

Ma jiraan Murashaxiin Isu Diiwaangeliyay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Talaadadii shalay 03-01-2017 waxay ku beegneyd maalinta loo asteeyey bilaabashada diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka guddoonka golaha shacabka, iyadoo Khamiis 05-01-2017 ay ku egtahay diiwaangelintu.

Xubno ka tirsan guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in weli aanu jirin musharrax is diiwaangeliyey si uu ugu tartamo guddoonka golaha shacabka.

Waxay inoo sheegeen in shalay ay jireen musharraxiin tagey xarunta is diiwaangelinta, balse kaliya ay ahaayeen kuwo doonaya iney helaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha doorashada baarlamaanka gobolaha shacabka.

Marka laga soo tago musharraxiinta sheegay iney tartami doonaan weli guddiga ma hayo cid is diiwaangelisay, waxayna fursadda isdiiwaangelinta ku egtahay maalinta khamiista ah.

Musharraxii illaa berri isu diiwaangelin waayo waxay ka dhigan tahay inaanu ka qeygali doonin doorashada guddoonka golaha shacabka oo kala dhici doonta 11-ka iyo 12-ka bishan January 2017.

Goobjoog News