U bood dhigaalka

Imise Xildhibaan Iyo Haween Ayaa Ku Jira Golaha Wasiirada Cusub?

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Talaado ah 21-ka March 21, 2017, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhowaaqay golahiisa wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya, waxayna isugu jiraan wasiiro, ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal.

Wadarta guud wasiirada maanta la magaacay waa 68 mudane, qaarkood wasiiro hore ayeey soo noqdeen, waxaa ku jira xildhibaanno baarlamaanka Federaalka ka tirsan iyo sidoo kale siyaasiyiin caan ah.

Xildhibaannada wasiirada noqday:

Wasiirada la magacaabay waxaa ka dhex muuqda xildhibaann ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, qaarkood waa wasiiro, qaarna waa wasiiro ku xigeenno halka kuwo kalena ay yihiin wasiiru dowlayaal.

Wadarta guud xildhibaannada kusoo biiray golaha wasiirada waa 42, (61.7%) waxayna u kala qeybsan yihiin sidan:

Wasiirada waa 26: waxaana ku jira 11 Xildhibaan

Wasiiro ku xigeennada waa 26: waxaana ku jira 22 Xildhibaan

Wasiiru dowlayaasha waa 15: waxaana ku jira 9 Xildhibaan

Wadarta guud ee wasiirada oo ah 68 ayaa markii laga reebo 42 mudane waxaa soo haraya oo kaliya 26 wasiir (38%) oo aan baarlamaanka ku jirin, waxaana muuqata in wasiirada cusub ee xukuumadda Kheyre u badan yihiin xildhibaanno.

Haweenka ku jira Golaha wasiirada

Wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya waxaa ku jira haween aan badneyn , waxayna wadarta tiradoodu gaareysaa 8 (11.8%) haween ah.

Haweenka wasiirada ah waa 6

Haweenka Wasiir ku xigeenka ah 2

Haweenka Wasiiru dowlayaasha ah 0

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la horgeyn doonaa xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Goobjoog News