U bood dhigaalka

Imitixaanaadka Shahaadiga Ee Dugsiyada Puntland Oo Loo Diyaargaroobayo

Sheeko:Dalka

Wasaarada Waxbarshada Maamul goboleedka Puntland ayaa bilowday u diyaargarowga qaadista imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada Puntland.

Axmed Maxamuud Axmed (Saahid) Madaxa Imtixaanaadka Wasaarada Waxbarshada ee Puntland ayaa Goobjoog News u sheegay in sanadkan imtixaanka Shahaadiga ah dugsiyada Puntlan ay u fariisan doonaan in ka badan Toban Kun oo Arday.

Waxa uu sheegay in ardaydaas imtixaanka u fariisan doona Seddex Kun Lix Boqol labaatan iyo Lix ka mid ah ay yihiin gabdho halka wiilshana ay gaarayaan Lix Kun Afar Boqol Labaatan iyo Todobo wiilal.

Todobaatan iyo Afar xarumood ayuu tilmaamay in sanadkaan deegaanada Puntland imtixaanaadka lagu gelayo xarumahaas oo loo qorsheeyay in ay ilaalo ka noqdaan Shan Boqol oo macallin isla markaana dul taagnaan doona fasalada imtixaanka lagu gelayo

Ardayda ku sugan deegaana maamulka Puntlan ayaa ku jira diyar garow aad u xoogan, waxaana ay rajeynayaan in ay moodaan imtixaanaadkaan.

Goobjoog News