U bood dhigaalka

Imtixaankii Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi Ah Looga Daahfuray B/weyne (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Maanta magaalada Beledweyne waxaa si rasmi ah looga daahfuray imtixaanka Shahaadiga ah ee F4, kaas oo ay qaadayso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Somaliya.

1,400 oo arday ayaa u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee “F4” magaalada Beledweyne, waxaana si rasmi ah imtixaanka u daahfuray Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo gaaray iskuulka Ex Xalane oo hadda loo bixiyay Majmac Dheyba al-Tacliimi.

Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo daahfurka imtixaanka ayaa waxa uu yiri; “Maanta aad ayaan u faraxsan nahay, waxaan daahfureynaa imtixaankii shahaadiga ahaa ee waxbarashada dugsiga sare f4, gobolkan imtixaannad xilligii aan qaadaneynay dib ayuu uuga dhacay, waxey ahayd 19 March, waagaas waxa uu ku soo aaday mar xaaladda gobolka ay aad khatar u ahayd oo biyo ay ku jireen meel walba, markaa waxaan go’aansannay inaan dib u dhigno, si aaney ardayda fursadaha uga khasaarin, hadana waxaan go’aansannay inaan ka dabakeenno ardaydii kale.”

Halkan Hoose ka Daawo Sawirrada: