U bood dhigaalka

In Ka Badan 10 Qof Oo Lagu Xiray Howlgallo Ciidanka Dowladda Ka Sameeyeen B/weyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay ku qabteen in ka badan 10 qof kadib dil xalay ka dhacay magaaladaasi.

Dadkaan ayaa ku sugnaa xaafadda lagu dilay askari ka tirsan dowladda, taa oo lagu magacaabo Buundoweyn, waxaana ciidanka ay qabteen 14 ruux.

Dadka la qabtay ayaa looga shakisanaa ku lug lahaanshiyaha dilkii ka dhacay magaalada B/weyne.

Taliska Booliiska Magaalada B/weyne weli wax faah faahin ah kama aanay bixin howlgalladan iyo sidoo kale askarigii xalay lagu dilay magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News