U bood dhigaalka

In Ka Badan 10 Ruux Oo Ku Dhintay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa la ga helayaa dagaal qaab beeleed u abaabulan oo ka dhacay deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanno ku dhow degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa ku dagaallamay deegaan lagu magacaabo Xiim Cadde oo ku dhow degmada Ceel-buur, waxaa sidoo kale jira dagaallo kuwan daba socday oo ka dhacay deegaanno kale oo halkaasi ku dhow.

Inta la xaqiijiyey ku dhowaad 10 qof oo dhinacyadii dagaallamay iyo shacab isugu jira ayaa dagaalladaasi ku dhintay iyadoo weli aan la helin xal kama dambeys ah oo arrintan ku aadan.

Waxgarad ku sugan gobolka Galgaduud ayaa dhinacyada is haya waxay ugu baaqeen in ay dagaallada joojiyaan, islamarkaan wax walbo miiska wada hadalka ku xalliyaan.

Gobolka Galgaduud waxaa kusoo noq noqday dagaal beeleedyada kuwaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News