U bood dhigaalka

In Ka Badan 10 Wasiir Oo Iska Casishay Maamulka Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in ay is casileen in ka badan 10 wasiir oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Wasiirada is casilay ayaa isugu jira wasiiro, wasiiro ku xigeen iyo sidoo kale wasiiru dowlayaal.

Kulan ay ku yeesheen mid kamid ah hoteellada ku yaalla Jowhar ayaa waxay ku sheegeen iney xilalkii ay hayeen iska casileen, sidoo kalena waxay eedeyn usoo jeediyeen madaxweyne Cosoble.

Waxay sheegeen wasiirada is casilay in madaxweynaha aanu gudan waajibaadkii horyaalla, qaarkood oo xildhibaanno ahaana waxay sheegeen iney ku biireen mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Cosoble.

Waxaa jirey maalmahan dambe khilaaf ka dhex taagnaa xildhibaannada Hirshabelle, wasiirada maamulkaasi qaarkood iyo sidoo kale Madaxweyne Cosoble.

Xildhibaanno ka badan 40 ayaa saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Horshabelle, waxaana ay sheegeen in saacadaha soo aadan ay u gudbin doonaan guddoonka baarlamaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News