U bood dhigaalka

In Ka Badan 100 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaarad

Sheeko:Dalka

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay burbur diyaaradeed oo nuuceedu yahay Boeing 737 taasi oo raacsaneyd shirkadda Duulimaadka Kuba, iyada oo ku dhaday meel u dhow garoonka caalamiga ah ee Havana,sida ay sheegeen warbaahinta gudaha.

Madaxweynaha Kuba Miguel Díaz-Canel oo gaaray goobta gaabta uu shilka ka dhacayb ayaa shegegay in tirda waxyeellada ay aad u badantahay.

Shilka ayaa waxaa la sheegay in ay ka badbaadeen 3 of oo kaliya, kuwaasi oo Isbitaalka ku jira iyaga oo xaaladdoodu tahay mid halis ah.

Telefishinka dowladda ayaa sheegay in diyaaradda ay dhacday ka dib waxyar markey kacday,waxayna sameyneysay duulimaad gudaha ah,waxayna ka duushay caasimadda iyada oo ku sii jeeday magaalada Holguin ee bariga wadanka.

Goobjoog News