U bood dhigaalka

In Ka Badan 15 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaallo Ka Dhacay Sanaag

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in dagaallo u abaabulan qaab beeleed ay dib uga bilowdeen deegaanka Ceel-afweyn ee gobolkaasi, waxaana dagaalladan ka dhashay khasaare kala duwan.

Goob joogayaal ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in dagaalkaasi ku dhinteen uguyaran 17 qof oo u badan dhinacyada dagaallamaya, iyadoo aanay jirin cid kala dhexgashay Labada dhinac.

Dagaalkan ayaa xooggiisa dhacay xalay iyo sidoo kale gelinkii dambe ee shalay, waxayna dhinacyada isku adeegsadeen rasaas culus.

Somaliland ayaa sheegtay in deegaanka lagu dagaallamayo geynayaan ciidamo badan, maadaama ciidankii horey deegaankaasi u joogay ay usoo qaadeen dhanka Tukaraq.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News