U bood dhigaalka

In ka badan 20 neef oo bariga gobolka Hiiraan ugu le’day biyo la’aan

Sheeko:Dalka

Maamulada ka jira bariga gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xoolo aad u fara badan ay   u dhinteen biyo la’aan aad u baahsan oo ka jirta deegaanadaasi.

In ka badan 20 neef oo isugu jira Ari iyo Lo’ ayaa lagu soo waramayaa in biyo la’aan ay ugu geeriyoodeen deegaanada galbeedka kaga beegan magaalada Beledwayn.

Maamulada halkaasi ka jirana waxa ay leeyihiin xaaladu marba marka ka dambaysa waa ay ka sii daraysaa.

Biyo la’aanta ayaa saameyn xun ku reebtay dadka iyo duunyada ku dhaqan in ka badan 20 tuulo oo hoos yimaada bariga gobolka sida tuulooyinka Bukurre, Seedaan, Jasiira, Raqso iyo deegaano kale oo u dhow.

Maxamuud Aadan oo ka mid ah dadka biyo la’aantu ay saameysay ayaa u sheegay Goobjoog FM in ay adagtahay xaalada ka jirto tulooyinkaas, waxa uuna ka codsaday hay’adaha sama falka iyo dowladda in ay gurmad deg deg ah la gaaraan.

Tuulooyinka ay biyo la’aantu ka jirto ayaa hoos yimaada degmada Maxaas.