U bood dhigaalka

In Ka Badan 20 Qof Oo Ku Geeriyootay Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Labo qarax oo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed ayaa gabal dhacii maanta waxay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxii ugu horeeyay ayaa la sheegay inuu ahaa gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay oo la dhigay bartamaha Baydhabo halkaasi oo la sheegay inay ku yaalleen xarumo ganacsi.

Qaraxa Labaad ayaa la xaqiijiyay inuu geystay ruux naftii hure ah kaasi oo isku dhex qarxiyay baar ku yaalla nawaaxiga Afar irdoodka magaalada Baydhabo.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadaasi waxaa ku geeriyootay dad ka badan 20 waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray 30 kale sida ay Goobjoog news u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Baydhabo.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa loo daabulay Isbitaal ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin magaalada Baydhabo, waxaana dadka qaar dhaawacyadoodu yihiin kuwo halis ah.

Inta badan magaalada Baydhabo caawa waa bandow, waxaana magaalada oo dhan lagu soo daadiyay ciidamada ammaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News