U bood dhigaalka

In Ka Badan 30 Qof Oo Ku Geeriyootay Weerar Ka Dhacay Dalka Afghanistan

Sheeko:Dalka

Waxaa sii Kor dhaya Khasaaraha ka dhashay Weeraro qaraxyo ah oo ka dahcay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, waxaan la xaqiijiyey in halkaasi ay ku geeriyootay 35 qof oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.

Xafiisyo hay’ado kheyri ah oo ku yaallay bartamaha magaalada Kabul ayaa wax yeello xooggan kasoo gaartay weerarkaan.

Afar Nin oo Hubeeysan ayaa xoog ku galay xafiisyadan oo ay leeyihiin Hay’ado Kheyri ajnabi ah halkaas oo is rasaaseyn ay ku dhex martay iyaga iyo ilaalada Xafiisyadaan, waxaana inta aanay gelin kahor iska hormariyeen qaraxyo xooggan.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in dhammaan Kooxdii Weerarka soo qaaday la toogtay ,mana jirto illaa imminka cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan.

Xarumaha caafimaadka ee magaalada Kapul waxaa la geeyay in ka badan 100 qof oo dhaawacyo ah.

Dhawaan ayaa weeraro sidan oo kale ah waxay ka dhaceen isla dagalka Afghanistan, waxaana halkaasi ku naf waayey dad u badan shacab.

Goobjoog News