U bood dhigaalka

In Ka Badan 30 Ruux Oo Dhaawac Ahaan Loo Geeyay Isbitaalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Kadib weerarkii shalay gelinkii dambe ay Al-shabaab ku qaadeen Hoteelka Naaso-hablood ee magaalada Muqdisho ayaa hadane dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi waxaa la geeyay qaar ka mid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Isbitaalka Madiina oo ka mid ah Isbitaalladaasi ayaa waxaa la geeyay dad gaaraya 36 qof oo 8 ka mid ah ay Meyd ahaayeen.

Dr Saciid C/qaadir Daahir oo ka mid ah dhaqaatiirta Isbitaalkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in isbitaalka dadkii la keenay uu dhaawaa ahaan u dhintay Hal qof, 17 bukaan Jiif laga dhigay maadaama xaaladooda daran tahay, 11 dhaawacyo fudud ahaayeen oo dib loo celiyey wadarta dadka Isbitaalka ku dhintay iyo kuwa Meyd ahaantana ay noqoneyso 9 qof.

Dhaqaatiirta caafimaadka ee Isbitaalka Madiina ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii daryeel caafimaad u heli lahaayeen bukaannadaasi.

Waxaa Maanta Isbitaalka Madiina aad u buux dhaafiyey ehlada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ah iyo inta la la yahay ee baadigoobka looogu jiro, waxaana wejiyadooda laga dheehan karayey muuqaallo murugo leh.

Dadkii ku waxyeelloobay weerarkii Hotelka Naaso-hablood ee Muqdisho ayaa u badan shacab wadada marayey.

Goobjoog News