U bood dhigaalka

In Ka Badan 5 Qof Oo Ku Dhintay Xaafadda Juungal Ee Muqdisho, Iyo Boqolaal Qof oo Isbitaalada Loola Cararay Ka dib Biyo Ay Cabeen (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BiyoWararka ka imaanaya xaafadda Juungal degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in hakaasi ay ku dhinteen 6 qof, iyadoo sidoo kale Isbitaalada loola cararay Boqolaal qof ka dib markii ay cabeen biyaha ceel la sheegay in dhawaan la qoday.

Dadka xaafadda ayaa markii ay wada cabeen biyaha ayaa la sheegay in ay ay lasoo boodeen Matag iyo Shuban biyood, ka dibna dadka loola cararay Isbitaalada.

Xalay ilaa hadda waxaa socda gurmad xoogan, dadka badi waxaa la geeyay Isbitaalka Carafaat, iyadoona tani ay ka dambeysay markii tubooyinka dadka biyaha ka qaadan jireen lagu wareejiyay ceel cusub oo dhawaan la qoday.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadaasi ayaa u sheegay Goobjoog, in dhimashada ay ka badan karto 6-da qof, waxaana uu inoo sheegay sidoo kale in nadaafad ahaan biyaha ay aad u liiteen oo marka Tubada la furo xitaa mararka qaar wasaq ay soo baxayso.

Maamulka degmada Yaaqshiid, kan gobalka Banaadir iyo wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka weli arintaan wax war ah kama aanay soo sarin.

Halkaan hoose ka dhageyso.

 La soco warkaan wixii kusoo kordha.