U bood dhigaalka

Mareykanka: In Ka Badan Hal Milyan Oo Qof Oo Ku Dibax-baxaya Donald Trump

Sheeko:Dalka

Kumanaan haween ah ayaa waxay ka qeybgalayaan  dibadbaxyada looga soo horjeedo madaxweynaha cusub ee Maraykanka D. Trump kuwaas oo ka soconaya magaalada Washington DC  iyo qeybo badan oo ka tirsan dunida .

Dadka magaalada Washington ka dhigaya dibadbaxyada waxa ay gaarayaan ku dhawaad 600 oo qof waxa ayna ka mid yihiin dibadbaxyada ka socda caalamka  kuwaas oo bilowday maalintii ugu horreysay oo madaxweyne Donald Trump uu xilka la wareegay.

Dibadbaxyada ay dhigayaan haweenka ayaa waxa uu ula jeedkiisu yahy in ay helaan haweenka xaquuqdooda  dadka dhigaya dibadbaxyada ayaa waxa ay aaminsanyihiin  inay dhibaato kala kulmi doonaan maamulka cusube ee Trump.

Waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan dibadbaxyadaan dadka caan ka ah wadanka Maraykanka  oo ay ka mid yihiin  Keti Berri  .

Dhanka  kale waxaa lagu qaban doonaa  dibadbaxyo kuwaan la mida  magaalada Neyaroum oo ka tiran Maraykan.

Dhinaca kale dibabaxyo kuwaan oo kale ah ayaa waxay ka dhaceen waddamo badan oo ka tirsan caalamka oo ay ka mid yihiim Egland , Australia, iyo maraykanka kuwaas oo looga soo horjeedo Dnald Trump

Rosie O’Donnell waxaa uu caayey 2006-dii, inta tartankan ol’olaha lagu guda jiray waxaa fadeexeeyay haween badan uu si xun ula dhaqmay, waxaa ka mid ahaa haween u tartamay tartamada quruxda ah ee isagu qaban jiray iyo xitaa haween kale oo ganacsato ahaa. 

Goobjoog News