U bood dhigaalka

In Ka Yar 1 Milyan Qof Oo Ka Qeybgalaya Doorashooyinka Somaliland

Sheeko:Baarlamaanka

Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah usoo saaray tirada guud ee dadka ka qeybgalaya doorashooyinka maamulkaasi ee dhici doona dabayaaqada sanadkaan.

Guddiga doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah usoo saaray tirade dadka is diiwaangeliyey taasi oo ka yar 1 milyan oo qof.

Tirada guud ee iska Diiwaan galisay Waddanka waxay dhan tahay 873,331 (Sideed Boqol, Todobaatan iyo Saddex Kun, Saddex Boqol iyo Soddon iyo Kow).

Doorashadii Madaxweynaha Somaliland ee June 2010 waxaa codeysay dad gaaraya 524,00, marka tiradan loo eego waxaa jira koror ah dadka codeynaya.

Qoraal uu soo saaray guddiga ayaa lagu yiri: Sidaas daradeed, marka la qaybiyo kaararka waxaa tirada dhabta ah noqon doonta inta qof ee qaata kaararkooda, taas oo qaybinta kaararka bilaabmi doonta 29/4/2017, iyada oo laga bilaabaayo Gobolada Awdal iyo Saaxil.

Tirada Gobolada maamulka Somaliland waa sidan hoos ku qoran

Gobolka Maroodijeex: 312,364 Qof

Gobolka Saaxil: 78,842 Qof.

Gobolka Togdheer: 178,506 Qof.

Gobolka Sool: 71,096 Qof.

Gobolka Sanaag: 85,222 Qof.

Gobolka Awdal: 147,031 Qof.

Totalka Dadka laga diiwaan geeliyay guud ahaan waa: 873,331 Qof.

Goobjoog News