U bood dhigaalka

Indha Qarshe “Askariga Aan Damiirka Lahayn Kuma Harayo Ciidanka Xoogga Dalka”

Sheeko:Dalka

Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, taiyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda ay go’aan ku gaartay dib u habeynta iyo dayeenta ciidanka xoogga, islamarkaana aan la aqbali doonin in ciidanka kasii mid ahaado askari ama sarkaal qabiil gadaal ku wata.

Waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka ku hari doono askariga wadaniga ah ee ay dhibeyso qaraxyada, amni darrada iyo dhibaatada wadanka, uuna bixi doono kan qabiilka gadaal ku wata ee aan rabin horumarka ciidamada.

Sidoo kale, Indha Qarshe ayaa sheegay in qorshaha lagu diiwaangelinayo ciidamada xoogga dalka inuu yahay mid aad u wanaagsan oo wax badan ka bedali doono howlaha shaqo ee ay ciidanku hayaan iyo sidoo kale qaabka ay ku heli lahayeen xuquuqdooda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News