U bood dhigaalka

India: 33 Hindiyaan Ah Ayaa Lagu Hesytaa Muqdisho, Xalna Waa Loo La’yahay

Sheeko:Amniga

Dalka India ayaa sheegay iney wadaan dadaallo lagu si deynayo ilaa 33 u dhashay dalkaasi oo ay sheegeen in afduub loogu heysto gudaha Soomaaliya.

Ragga oo ahaa xamaalatada dhismaha ayaa la sheegayaa in in 25 ka mid ah ay kasoo jeedaan Uttar Pradesh, 10 bil oo ay shaqada wadeen  intooda badan lacag ma helin.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in bilihii hore si fiican loola dhaqmay, laakin gadaal ay xaaladda ka xumaatay, oo aan 8 bil wax lacag lama siin.

EAM Jaishankar oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi oo arrintan uga hadlay Twetterkiisa ayaa qoray “ Wasaaradda arrimaha dibadda iyo diblomaasiyiinteenna Nairobi ayaa wado dadaallo lagu soo deynayo, dibna loogu soo celinayo 33 Indian ah oo lagu heysto Muqdisho. Safaaradda India ee Kenya waxaa ay xaalad adag kala kulantay dowladda Soomaaliya, waxaan xiriir la wadnaa safaaradda Soomaaliya ee India, waxaan rajeyneynaa in xal dhow la gaari doono.

Goobjoog News